Waxaa habeenki shanaad ay SONAD afur wadareed u samaysay 45 qofood oo dhagoollo ah oo sooman kuwaas oo aan haysan meel ay ka afuraan, afurka ka hor waxa la siiyaa casharro ku saabsan soonka iyo axkaantiisa, aad iyo aad ayey ugu faraxsan yihiin in ay ku kulmaan afurka kuna sheekaystaan meesha cashirro diini ahna ka helaan.Waxay aad iyo aad ugu mahad celiyeen una duceeyeen walaalaha iska kaashaday afurintooda waxayna codsadeen in bisha ramadaan oo dhan sidaan loogu wado afurka waxayna yiraahdeen waan ducaynay ducadeenna waa la heli doonaa dhawaan insha allah. Mar labaad wey mahadsanyihiin walaalaha iska kaashaday afurinta dadka maqalka la’ ee sooman bisha ramadaan.