Email address

info@sonadsomalia.org

Phone Number

+25261 5500700

SONAD iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo barashada Luuqadda Calamadaha

01/03/2026 Maanta waxaan la kulannay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir 𝐌𝐚𝐜𝐚π₯𝐒𝐧 𝐌𝐚𝐑𝐝𝐒, waxaana ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta u dhaxaysa booliska iyo dadka maqalka la’. Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii ay boolisku si wanaagsan ula macaamili lahaayeen dadka dhagoolayaasha ah, si loo hubiyo in ay helaan adeeg cadaalad iyo amni oo loo siman yahay.
Sidoo kale, waxaan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay in boolisku bartaan Aasaaska Luqadda Tilmaamta Soomaaliyeed (Somali Sign Language), taasoo ka caawin doonta inay si toos ah oo fudud ula xiriiraan dadka maqalka la’. Arrintani waxay sare u qaadaysaa isfahamka, kalsoonida, iyo adeegyada ay boolisku siiyaan bulshada dhagoolayaasha Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, kulanku wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo tababarrada luqadda tilmaamta si boolisku u yeeshaan xirfadaha ay ugu adeegaan dadka maqalka la’ si hufan oo ixtiraam leh.
Scroll to Top