Email address

info@sonadsomalia.org

Phone Number

+25261 5500700

Xoghayaha Guud ee SONAD oo Soomaaliya ku matalayay Shirweynaha 75-guurada WFD ee ka dhacay Roma

Khamiis, 24-ka Sebtembar 2026, Xoghayaha Guud Ee Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed (SONAD), Mudane Muse Hassan Ahmed, Ayaa Si Rasmi Ah Uga Qeyb Galay furitaanka Shirka Caalamiga Ah ee sanad guurada 77-aad WFD, Isagoo Soomaaliya Iyo Bulshada Dhagoolayaasha Soomaaliyeed Ku Matalaaya Munaasabaddan.
Waxaa Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga si rasmi ah uga socda Shirweynaha Caalamiga ah ee Dhagoolayaasha Adduunka World Federation of the Deaf – WFD, kaas oo lagu xusayo 75 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii WFD.
WFD waxaa magaalada Roma lagu aasaasay 23-kii Sebtembar 1951, waxaana sannadkan 2026 magaalada Roma dib ugu qabatay munaasabadda weyn ee lagu xusayo 75-guurada hay’adda, iyadoo ay ka qeybgalayaan wakiillo iyo ururro dhagoolayaal ah oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah.
Munaasabadda waxaa halkudhig looga dhigay “Declaring Deaf People’s Human Rights”, oo diiradda lagu saarayo xaqiijinta xuquuqda aadanaha ee dadka dhagoolayaasha ah, gaar ahaan muhiimadda ay leedahay aqoonsiga iyo helitaanka luuqadaha calaamadaha qaranka, waxbarashada, ka-qaybgalka bulshada iyo helitaanka adeegyada si siman.
Furitaanka 75-guurada ayaa 23-ka Sebtembar ka dhacay Baarlamaanka Talyaaniga, iyadoo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin Talyaani iyo Yurub ah iyo wafdiyo caalami ah. Xafladda waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha WFD Joseph J. Murray iyo Madaxweynaha Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Talyaaniga (ENS) Angelo Raffaele Cagnazzo.
Scroll to Top