๐/๐๐/๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข ๐ค๐ ๐๐จ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐๐ฒ ๐๐ฌ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ ๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐.
Waxaa maanta Iskuulka Dhagoolayaasha booqasho hawleed ku tagay wafdi muhiim ah oo ka kooban culimo iyo madaxda jaamacadaha dalka, kuwaas oo kala ah:
โข Sheikh Maxamuud Cabdul Baari: Guddoomiye ku-xigeenka Dallada Culimada Soomaaliyeed.
โข Dr. Shariif Shariif Mohamed Omer Baa Calawi.
โข Dr. Jeylaani: Hormuudka Kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda UNISO.
โข Dr. Cabdulqaadir Axmed Mahad: Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Aden Adde International University.
Ujeeddada Booqashada: Booqashadan ayaa ujeeddeedu ahayd u kuurgelinta baahiyaha waxbarasho ee diimeed ee ardayda dhagoolayaasha ah, si loo hubiyo inay helaan aqoon diimeed oo dhammaystiran iyo hiddaha saxda ah ee cibaadada.
Qodobada Ugu Waawayn ee Laga Wada Hadlay:
1. Baahi Macallimiin: In loo helo 11 macallin oo takhasus u leh barida diinta iyo afka calaamadaha (Sign Language), kuwaas oo ardayda si sax ah uga u gaarsiiya dacwada Islamka, iyo sidii loo baadi-goobi lahaa qarashaadka ku baxaya mushaaraadkooda.
2. Dhismaha Masjidka (Ahmiyadda Ugu Sarreysa): In Iskuulka loo dhiiso masjid u gaar ah oo ardaydu ku tukadaan salaadaha xilliga ay ku jiraan saacadaha waxbarashada.
Mahadcelin: Ugu dambayntii, Maamulaha Iskuulka, Guddoomiyaha Ururka Dhagoolayaasha, iyo Xoghayaha Guud ayaa si toos ah uga mahadceliyay wafdiga booqashada, tixgelinta iyo taageerada qiimaha badan oo ay u muujiyeen ardayda baahiyaha gaarka ah qaba

