Email address

info@sonadsomalia.org

Phone Number

+25261 5500700

Safaraadda Turkiga oo munaasabad dhiirrigelin ah u qabatay ardayda dhagoolada ee SONAD

Muqdisho (14 Febraayo 2026): Munaasabad ballaran oo lagu dhiirrigelinayay carruurta baahiyaha maqalka qaba ayaa lagu qabtay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan waxaa si sharaf leh uga qaybgalay ardayda Ururka Dhagoolada Qaranka Soomaaliyeed (SONAD), iyagoo matalayay ardayda dhagoolada Soomaaliyeed, waxaana wafdiga hoggaaminayey Guddoomiyaha SONAD, Mudane Osman Mohamad Nuur.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Ciise Maxamuud Guure.
Ujeeddada munaasabadda ayaa ahayd dhiirrigelinta iyo taageerada carruurta baahiyaha maqalka qaba, iyadoo hadiyado kala duwan la guddoonsiiyay ardayda si kor loogu qaado waxbarashadooda, kalsoonidooda, iyo ka mid ahaanshahooda bulshada.
Maamulka SONAD ayaa si weyn uga mahadceliyey Safaaradda Turkiga iyo dhammaan mas’uuliyiintii ka soo qaybgalay munaasabadda doorka ay ka qaadanayaan taageerada joogtada ah ee la siiyo ardayda dhagoolada, taas oo door weyn ka qaadaneysa horumarinta waxbarashada loo siman yahay iyo xaqiijinta sinnaanta bulshada.
Ururka SONAD waxa uu mar kale caddeynayaa sida ay uga go’an tahay u doodista xuquuqda, waxbarashada, iyo horumarinta guud ee ardayda dhagoolada Soomaaliyeed.


Scroll to Top