skuulkan oo ka kooban heerarka Hoose/Dhexe iyo Sare, waxaa dhigta arday tiradoodu ku dhowdahay 1500 arday.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa nasiib darro ahayd in aanan halkaas ku arag hal arday oo baahi gaar ah qaba, taas oo muujinaysa baahi weyn oo dhinaca wacyigelinta iyo ka shaqeynta waxbarashada loo siman yahay.
Intii aan booqashada ku jirnay, waxaan u sameynay maamulka iyo macalimiinta iskuulka wacyigelin ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado oo la taageero ardayda leh baahiyaha gaarka ah.
Waxaan sidoo kale ballanqaadnay in aan:
Barno luqadda dhagoolayaasha (Sign Language)
Iyo xirfadaha aasaasiga ah ee la xiriira la tacaalidda ardayda indha laโaanta ah
Ujeedadu waa in la xaqiijiyo in waxbarashadu noqoto mid loo wada siman yahay, oo ay helaan dhammaan carruurta fursad ay wax ku bartaan si siman.