01/03/2026 Maanta waxaan la kulannay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir πππππ₯π’π§ πππ‘ππ’, waxaana ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta u dhaxaysa booliska iyo dadka maqalka laβ. Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii ay boolisku si wanaagsan ula macaamili lahaayeen dadka dhagoolayaasha ah, si loo hubiyo in ay helaan adeeg cadaalad iyo amni oo loo siman yahay.
Sidoo kale, waxaan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay in boolisku bartaan Aasaaska Luqadda Tilmaamta Soomaaliyeed (Somali Sign Language), taasoo ka caawin doonta inay si toos ah oo fudud ula xiriiraan dadka maqalka laβ. Arrintani waxay sare u qaadaysaa isfahamka, kalsoonida, iyo adeegyada ay boolisku siiyaan bulshada dhagoolayaasha Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, kulanku wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo tababarrada luqadda tilmaamta si boolisku u yeeshaan xirfadaha ay ugu adeegaan dadka maqalka laβ si hufan oo ixtiraam leh.

