Email address

info@sonadsomalia.org

Phone Number

+25261 5500700

10/01/2026 Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Fararax Sh Cabdulqadir oo wafdi hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen AWGB ayaa soo booqday Somali Deaf School

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Abdurahman Ali Mohamed, iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay dugsiga ardayda baahiyaha gaarka qaba ee degmada Hawlwadaag. Dugsigan ayaa bixiya adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah, wuxuuna ka mid yahay dugsiyada dawladdu maamusho ee Gobolka Banaadir.

Intii ay booqashadu socotay, Wasiirku wuxuu kormeeray xaaladda waxbarasho ee dugsiga, wuxuuna la kulmay ardayda si uu uga dhagaysto baahiyahooda iyo horumarka tacliimeed ee ay sameynayaan. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu bogaadiyay doorka macallimiinta Qaranka ee u heellan baridda iyo daryeelka ardayda baahiyaha gaarka qaba, kuwaas oo si hagar la’aan ah ugu adeegaya ubadkaas

Scroll to Top