Email address

info@sonadsomalia.org

Phone Number

+25261 5500700

๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐‹๐ฎ๐ช๐š๐๐๐š ๐“๐ข๐ฅ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐ก๐จ๐จ๐Ÿ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ง๐ค๐š ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐š๐๐๐ž. ๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐š: ๐Ÿ๐Ÿ– ๐’๐ž๐›๐ญ๐ž๐ฆ๐›๐š๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“

Waxaa saaka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ka dhoofay koox macalimiin ah oo ka tirsan ururka SONAD (Somali National Association for the Deaf), kuwaasoo u socdaalay in ay ka qeyb qaataan tababar lagu xoojinayo xirfadooda ku aaddan barista luqadda tilmaanta (Sign Language) ee dadka maqalka laโ€™.
Socdaalkan waxaa hoggaaminaysa ๐Œ๐š๐ซ๐ฐ๐จ ๐’๐š๐›๐ข๐ซ๐ข๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐…๐š๐š๐ซ๐š๐ฑ, guddoomiyaha ururka Somali Sign Language Association, oo ah haldoor si weyn uga shaqeeya horumarinta xuquuqda dadka naafada ah, gaar ahaan kuwa maqalka laโ€™. Marwo Sabirin ayaa caan ku ah dadaallada joogtada ah ee ay ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada loogu tala galay dadka maqalka laโ€™.
Ujeeddada safarkan ayaa ah in kor loo qaado tayada macalimiinta wax bara ardayda maqalka laโ€™ ee ku sugan guud ahaan deegaanada Galmudug, iyadoo la rajeynayo in tababarkani uu sare u qaadi doono fahamka iyo awoodda barayaasha si ay u gaarsiiyaan ardaydaas waxbarasho tayo leh oo loo dhanyahay.
Howshan qeyb ayey ka tahay dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo fursadaha waxbarasho ee ay helaan dadka naafada ah, si loo xaqiijiyo sinnaanta iyo ka-qaybgalka buuxa ee dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Scroll to Top