Xaruntu waxay ku tallaa magaalada Muqdisho-Degmada Boondheere Waaxda Yuusuf Alkownayn waxay ku dhegan tahay Wasaaraddii hore arimaha gudaha ee Soomaaliya.
Waa xarun ay wax ku bartaan in ka badan 1000 arday gabdho kaliya ah oo isugu jira agoon iyo danyar. waxay helaan adeegyo iskugu jiro Iskuul hoose/dhexe iyo sare, dugsi qur’aan, jiif, cunno saddex waqti ah iyo adeegyo kale oo aas-aasi ah, dhammaan adeegyaduna waa lacag la’aan.
Xaruntu waxay leedahay maktabad ay yaallaan buugaag badan oo kala duwan si ay uga faa’iidyastaan ardayda, sidoo kale waxay leedahay labo hool oo waaweyn shirarka iyo xafladaha loogu talagalay, waxay kale oo leedahay meel lagu barto computerka iyo harqaanka waxay ka kooban tahay 3 dabaq oo si qurux badan loo dhisay, xaruntu kiro ma ahan iyaga ayaa iska leh.
Xaruntu waxay gaar u tahay gabdhaha agoonta ah iyo kuwa danta yar wax welibana waa u lacag la’aan.
Waxaa si qurux badan iigu soo dhaweeyey maamulaha Xarunta Maamo Nuurto Maxamed Caddow oo muujisay dedaal aad iyo aad u weyn iyadoo weliba taageerto xarumaha kale ee gacanta ku hayo agoomaha sidoo kale waxay caawisay iskulada ay wax ku bartaan ardeyda maqalka la, ee gobolka banaadir.
Maamada waxaan u rajaynayaa guul goor walba iyo goob walba.
Kala xariir maamulka xarunta taleefonadaan +252 612379369 ama +252617444433.
Si aad u hesho macluumaad dheeri ah iyo dhaqdhaqaaqa xarunta booqo boggga facebuugga ee xarunta oo ah:
Muse Hassan – Mogadishu – Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *