21/01/2025 Maamulka Jaamacadda Jazeera University, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha jaamacadda Dr. Sheekhdoon Salaad Cilmi iyo Mudane Sh. C/qadir Abdullahi Adan Gedef, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagtay Somali Deaf School. Intii booqashada lagu guda jiray, waxay iskuulka ku wareejiyeen deeq ka kooban 30 kursi iyo 30 miis oo cusub si wax looga qabto ciriiriga ay ku jireen ardayda maqalka la’.
Deeqdan ayaa timid kadib markii maamulka jaamacadda ay arkeen xaaladda adag ee shan arday hal kursi wadaagaya, taasoo saameyn ku yeelatay waxbarashada iyo caafimaadka ardayda. Maamulka iyo madaxda Somali National Association of the Deaf-SONAD ayaa si diirran ugu mahadceliyey Jazeera University, iyagoo ku ammaanay dadaalka iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab istaageen ardayda.
Sidoo kale, Jazeera University ayaa ballan qaaday inay dayactir kooban ku samayn doonto iskuulka iyo sabuuradihiisa, taasoo sare u qaadi doonta tayada waxbarashada iyo daryeelka ardayda.
