1sano ka dib aas aaskii hay’adda naafada qaranka soomaaliyeed

06/03/2022 Axad.
1sano ka dib aas aaskii hay’adda naafada qaranka soomaaliyeed waxaa maanta la qabtay shirkii ugu horreeyey ee ha’adda nafada qaranka, waxaa kasoo qeyb galay naafada 5ta maamul goboleed iyo gobolka banaadir iyada oo uu shirku ka dhacay hotel jazeera oo u dhaw airportiga Aadan Cadde.
Ergada timid waxay kala ahayeen sidan hoos ku qoran:-
• Jubbaland waxaa ka yimid gabar lugta naafa ka ah.
• Galmudug waxaa ka yimid wiil aragga naafa ka ah.
• Puntlnad waxaa ka yimid nin hal lug iyo ul ku socday.
• Koonfur Galbeed waxaa ka yimid gabar maqalka naafo ka ah.
• Hirshabeelle waxaa ka yimid nin aragga naafo ka ah.
• Banaadir waxaa ka yimid dhammaan madaxda ururada naafada ee gobolka.
Inta martida ah ee gobolada ka yimid waxaa la dejiyey Jazera Hotel, inta kalese waxay ka imaanayeen degmooyinkooda.
Waxaa laga wada hadlay doorka hay’adda naafada qaranka iyo doorka ururada naafada qaranka.
Waxaana la isku raacay in hay’adda naafada qaranka ay yeelanayso waajibaad gaar ah, halka ururada kalena ay yeelan doonaan waajibaad gaar ah kuwaas oo dib laga soo sheegi doono marka la isu geeyo aragtiyadii la is dhaafsaday. Haddii Alle idmo.
Qaabka ay hadda u dhisan tahay hay’adda naafada qaranka soomaaliyeed:
1. Maxamed Jaamac Dhegaweyne / Guddomiye / Ku socda kursiga curyaminta Darod/ Marexan.
2. Xawo Abdi Jamac / Gud. Kuxigen / Arag La’ Dir/Isaaq
3. Fartun Craxman Cali / Xoghaye / Lug naafo ka ah Raxanweyn/Hadamo.
4. Cali Cabdullahi Salaad /Xubin/ Lug naafo ka ah Hawiye/Habargidir
5. Sundus Cabdullahi Xusen / Xubin / Gacan naafo ka ah Gendershe.
Waxaa wax lagu qeybiyey 4.5.
Xubnaha la magacabaay ee HNQS (Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed) hadda dhagoolayaasha kuma jiraan wey socotaa dhismaheeda waana lagu dari doonaa Insha Allah maadaama aysan weli shaqo billaabin hay’adda xafiisyana aysan lahayn.